Advertisements
Wararka

Shirkada Twitter oo weji gabax la kulantay markii la jabsaday akoonka Agaasimaha Fulinta…


Akoonka shaqsiyadeed ee Jack Dorsey oo ah Agaasimaha fulinta iyo aasaasaha shabakada xiriirka bulshada ee Twitter oo la jabsaday.

Koox la magac baxay “Chuckling Squad” ayaa sheegatay inay ka dambeysay jabsashada akoonka shaqsiga ah ee Dorsey ee bartiisa Twitter-ka.

Akoonkan oo ku xiran afar milyan oo isticmaaleyaal ah, ayaa lagu daabacay fariimo xambaarsan cadaawad iyo calaamadaha cunsuriyada oo socday ilaa 15 daqiiqo.

Shirkada Twitter-ka ayaa war qoraal ah kaga warantay arrintan, in shirkadda Twitter-ka nidaamyadeeda khaaska ah ee baraha bulshada aan la jabsan, laakin waxay eeda korka ka saartay jabsashada akoonka madaxeeda fulinta in ay ka timid shirkada telefanka Mobilka oo aan la magacaabin.

Shirkadda ayaa sheegtay weerarka lambarka taleefanka moobaylka oo lala xiriirinayo in lagu jabsaday akoonka iyada oo sabab u tahay ka gaabinta dhanka amniga ee shirkada telefoonada gacanta,” ayay tiri shirkadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: