Advertisements
Wararka

Dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo siyaasada Boris Johnson oo ka dhacay London…


Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay wadanka UK, kuwaasi oo ka dhan ah go’aanka Ra’isul wasaare Boris Johnson ku hakiyey kulamada baarlamaanka, iyadoo dhowr todobaad ay ka hartay ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub.

Magaalada London ayaa waxaa isugu yimid kumanaan ruux careysan Sabtida shalay, waxaana ay hor dhoobteen aqalka laga xukumo dalka ee Downing Street.

Waxa uu sameynayo Boris Johnson ma ahan go,aan ay raacsan yihiin shacabka UK, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Andrew Russell oo ka soo jeeda degmada Kent.

Mr Andrew oo 40 jir ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan Baarlamaanka kana soo horjeedaan wax waliba oo ka hor imaanaya dimuquraadiyada UK.

Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa doonaya in 31 bisha October ay UK heshiis la’aan kaga baxdo Midowga Yurub, inkastoo Ra’isul wasaare Boris uu doonayo in wada xaajood cusub la bilaabo Midowga si wax looga badalo heshiiska labada Dhinac.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: