Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Sudan oo mar kale ka soo hor muuqday Maxkamada magaalada Khartoum…


Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ka soo muuqday maxkamada magaalada Khartuum ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu heesto uusan aheyn lunsi lacageed uu geystay intii uu talada Hayay.

Al-Bashiir oo ka jawaabayay su’aalaha la xiriira danbiga loo heysto ayaa kaga jawaabay in 25 million oo dollar uu ka helay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Hogaamiyihii hore ee Sudan oo 75 jir ah ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sanadkaan, kadib kacdoon dadweyne oo ka dhacay gobolada Dalkaas.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in lacagahaan badi uu u adeegsaday in lagu caawiyo dadka danyarta waxaana uu iska fogeeyay in uu ku tagri Falay.

Mar uu ka hadlay qaabka ay lacagtaan ku soo gaartay Sudan ayaa wuxuu sheegay in ay keentay diyaarad gaar ah, maadaama dhaxal sugaha Sacuudiga uu diidanaa qaabka gudbinta lacagta lagu soo bandhigo Baanka dhexe ee Sudan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: