Advertisements
Wararka

Duufaanta Dorian oo ku dhufatay Jasiirada Bahamas oo geysatay khasaare baaxad leh…


Duufaan xooggan oo loogu magac daray “Dorian” oo baryahanba la hadal-hayay in ay ku fool-leedahay Qaaradda Mareykanka ayaa iminka waxa ay ku dhufatay waddamada qaar, waxaana ay dhalisay khasaare baaxad leh.

Xooggeeda ayay duufaantan ku habsatay Jasiiradaha Bahamas oo ah goob loo dalxiis tago oo hoteello iyo hanti badan la geliyay, waxaana iminka muuqda in hantidaasi intooda badan duufaantu galaafatay.

Khasaaraha dhimasho ee ilaa iyo iminka la ogyahay ayaa ah 7 ruux, laakiin maamulka waxa uu sheegay in khasaaraha dhabta ah ee dhimashada la ogaan karo marka ay biyuhu guraan islamarkaana bur-burka uu bannaanka usoo baxo.

Duufaantan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee qaaraddaasi ka dhacdo in muddo ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: