Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo da’da 95 sano jir ku geeriyooday…


Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe, oo ahaa 95 sano jir ayaa la sheegay inuu geeriyooday, sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayaa Twitter-ka ku qoray “nabad ku naso Robert Mugabe (RIP).”

Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia.

Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: