Advertisements
Wararka

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay M/weynaha Kenya iyo Wasiiradiisa Arrimaha dibadda…


Khliaaf xoogan ayaa soo kala dhax galay Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Monica Juma kaasoo salka ku haya kiiska badda ee dalkaas kala dhexeeya Somalia sida uu daabacay Wargayska the Star ee kasoo baxa dalkaas

Monica Juma ayaa lagu eedeynayaa inay ku fashilantay arimo badan oo dhanka diplomaasiyada dalka Kenya ah taasoo ay ugu wayn tahay fashilka xoogan ee kaga soo food leh kiiska muranka Kenya ay galisay badda iyo kursiga aanan rasmiga ahayn ee Golaha Ammaanka kaas oo ay ku tartamayaan dalka Jabuuti.

Waxyaabaha kale ee loo haysto xoghayaha arimaha dibadda Kenya ayaa waxaa kamid ah in ay magacawday xirfadyahano aanan khibrad wanaagsan u lahayn diblomaasiyadda taasoo keentay in Kenya fashil xoogan kasoo wajaho dhanka diblomaasiyadda.

Wargayska oo soo xiganaya ilo u dhow madaxtooyada dalkasi ayaa sheegaya in madaxweynuhu uusan ku faraxsaneyn sida Monica Juma u wajahday arrinka kiiska badda iyadoona qaab aanan waafaqsaneen diblomaasiyadda ula dhaqantay dalka Somalia.

Maxkamda caalamiga ee cadaalada ayaa khamiistii sheegtay inay dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda muddo labo bilood ah halka ay Kenya doonaysay in dib loo dhigo muddo hal sano ah, iyadoo ku andacooneysa iney ceyrisay qareenadii u doodi lahaa ayna qoraneyso qareeno cusub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: