Advertisements
Wararka

R/Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed…


Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray caasimadda ku meel gaarka ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen, masuuliyiin kale iyo dadweyne fara badan.

Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kumanaan shacab ah kula hadlo garoonka ciyaaraha ee magaalada Baydhabo kuwaasoo illaa saaka halkaas ku sugnaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: