Advertisements
Wararka

Seddax walaalo mataano ah oo fal dambiyeed mid ka mid ah geystay oo Booliska London…


Booliska magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xarig u dhaxeeya 14 ilaa 18 sano ku xukumay saddex walaalo-mataano ah kuwaas oo ay boolisku ku wareereen kadib markii uu mid ka mid ah fal dambiyeed geystay.

Mataanahan oo da’da 28 jira ayaa lagu eedeynayaa in ay ku heshiiyeen in ay fal dambyeedyo geystaan iyagoo ka faa`iideysanaya isku-ekaanshaha dheecaankooda DNA-ga ee dadka lagu kala garto, waxaana ay sidoo kale isaga egyihiin muuqaalka.

Fal dambiyeedyada lagu haysto ayaa waxaa ka mid ah dhac, hub haysasho iyo fal dambiyeedyo yar-yar oo kale kuwaas oo uu geystay mid iyaga ka mid ah islamarkaana uusan boolisku sheegi karin kan uu yahay.

Booliska ayaa markii ay ku wareereen islamarkaana ay caddeyn waayeen ninka dambiga leh ayay dhammaantood xabsi ku wada xukumeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: