Advertisements
Wararka

Wasiir Beyle oo kulan kula yeelan doona kooxda wada hadalka deyn cafinta ee IMF magaalada…


C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa waxaa uu kulan la leeyahay kooxda wada hadalka dayn cafinta u qaabilsan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kuwaa oo ay ka wada hadlayaan wajiga afaraad ee Barnaamijka daynta cafinta Somalia (SMP4).

Wasiirka ayaa kooxdan kulanka kula leh Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay ka qabatay saddaxdii bilood ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad.

Sidoo kale waxaa wada hadalka dhanka xukuumadda Somalia uga qaybgalaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia.

Dowladda Somalia ayaa rajeynaysa in Somalia laga cafiyo daynta lagu leeyahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: