Advertisements
Wararka

Nin Shabaabnimo ugu xirnaa Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo baxsaday…


Nin ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa ka baxsaday Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xirnaa.

Ninkan ayaa waxaa la soo sheegaya in fiidnimadii xalay uu qoriga kula dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada ee Saldhiga Degmada Waaberi, wax yar ka dibna ay u suurta-gashay in uu saldhigaasi ka baxsado.

Wararka ayaa sheegaya in askari kale oo ka tirsan ilaalada saldhiga uu rasaas ka daba riday ninkaasi, hase ahaatee kama aanay joojin in uu horey u sii socdo.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi, Maxamed Cabdiqaadir ayaa la sheegay in saldhiga uu ka maqnaa xilligii uu falkaasi dhacaayay.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in Taliyuhu uu saldhiga soo gaaray daqiiqado ka dib, markii uu ninkaasi baxsaday, isla-markaana uu aad u cannaantay askartii heeganka ku qorneyd.

Wariye-yaasha ayaa ku waramaya in askarta ilaalisa Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir lagu dhaliilo inaanay feejignaan badan ka muuqan, xilliyada ay shaqada ku guda jiraan.

Shabakada wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: