Wararka

R/Wasaaraha Somalia oo maanta ku wajahan magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool…


Ra’iisal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqdo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa waxay isu diyaarinayan safarkooda xigga ee Magaalada Xudur, iyadoo la soo sheegayo in amniga magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Xudur ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka ku yaala magaaladaasi, waxayna yareeyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya ka hor inta aanu Ra’iisal Wasaare Kheyre gaarin Magaalada Xudur ayaa waxaa magaaladaasi taggi doono wafdi horudhac u ah booqashada Ra’iisal Wasaaraha, kuwaa oo diyaarinaya soo dhawaynta Ra’iisal Wasasaraha.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa deegaanada Koonfur Galbeed ka hirgelinaya mashaariic ay xukuumaddu ugu tala-gashay in lagu horumariyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8539 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: