Advertisements
Wararka

M/weynaha Mareykanka oo shaqada ka eryay la taliyihiisa dhinaca ammaanka John Bolton…


Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay la taliyihiisii gaarka ahaa ee dhinaca ammaanka John Bolton.

Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo qoray ereyo ay ka mid yihiin;”Waxaan u sheegay Bolton xalay in aan waqtigan laga bilaabo aan loogaga baahneyn shaqadii uu ka hayay Aqalka Cad.”

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in talooyin badan oo uu u soo jeediyay Bolton ay ahaayeen kuwo uusan raali ka noqon, waxana uu intaa raaciyay in toddobaadka dambe magacaabi doono la taliye cusub.

Eryida John Bolton ayaa imanaysa xilli ay soo baxayeen in khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro madaxda dalka Maraykanka qorshihii heshiiska ee lagu martiqaaday madaxda Taliban-ka Aqalka Cad.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa u sheegay weriyaasha in Madaxweynaha uusan jecleysan siyaasadaha Bolton. Hase yeeshee Bolton ayaa sheegay in uu xalay u gudbiyay Madaxweyne Trump is casilaadiisa balse uu Trump ugu jawaabay inay is arkaan maanta.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu shaqada ka eryay madax badan oo aad ugu dhowaa, iyadoo Bolton uu noqonayo qofkii ugu dambeeyay ee uu eryo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: