Advertisements
Wararka

Dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab iyo ciidanka Kenya oo ku dagaalamay xadka labada dal…


Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab iyo Ciidanka Militariga Kenya ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ku wada dagaalamay xuduuda kala qaybisa dalalka Somalia iyo Kenya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Ceel-raam ee duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ka dib markii Ciidanka Kenya ay ka soo baxeen xerada ay ku leeyihiin Ceel-raam.

Ciidanka Kenya oo ku sii jeeday Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa wadada u galay dagaal-yahanada Al Shabaab, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Al Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in ay ku dishay sagaal ka mid ah askarta Kenya, halka ay ku gubtay afar ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen.

Saraakiisha Militariga Kenya ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyan dagaalka culus, ee labada dhinac ku dhex maray agagaarka deegaanka Ceel-raam.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: