Advertisements
Wararka

Kheyre iyo Lafta-gareen oo la kulmay odayaasha dhaqanka, waxgaradka degmada Xudur ee…


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulamo ka wada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo maalintii shalay uu gaaray.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulan la qaatay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Bakool, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan-gobolka oo ay ka wada hadleen arrimaha nabad-galyada.

Maamulka degmada Xudur iyo odayaasha ayaa ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha in lagu gacan siiyo dardargalinta dib u xoreynta deegaannada hoos-yimada degmada iyo sidii loo tayeyn lahaa xarumaha waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka dhalinyarada iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa adeegyada hormarineed ee guud ahaan gobolka.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan guud ahaan hormarinta adeegyada bulshada, waxaana uu sheegay in muhiimada koowaad la siiyo sidii looga shaqayn lahaa Amniga Gobolka Bakool kan dowlad ahaan ay wax ka qaban doonaan tayeynta ciidanka xooga dalka ee gobolka ku sugan.

Kheyre ayaa ugu danbeyntii dhinacyadii uu la kulmay kula dardaarmay in ay xoojiyaan hanashada amaanka gobolka si dadka ku nool ay nabad ugu wada noolaadaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: