Advertisements
Wararka

M/weyne Farmaajo oo odayaal ka soo jeeda Jubbaland kala hadleen arrinta xariga C/shiid Janan…


Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa habeenkii Talaadada Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, kuwaa oo kala hadlay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland.

Odayaashan ayaa waxay Madaxweynaha Somaliya ka codsadeen in xoriyadiisa dib loo siiyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo Dowladda Somaliya 31-kii bishii August ay ku xirtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo ka mid ah xubnaha la kulmay Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ka biyo diiday in xabsiga laga sii daayo Wasiirka, maadaama sida uu sheegay ay hay’ado caalami ahi ku dhegan yihiin.

“Wuxuu Madaxweynuhu nagu yiri hay’ado caalami ah iyo dad ayaa dacweynaya, sidaas awgeed lama sii deyn karo, sharciga ayaana loo bandhigaya.” Ayuu yiri Nabadoon Idiris Aadan Nuur .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Wuxuu yiri Madaxweynuhu anagu waxaan samayn karnaa oo keliya inaanan ninkaasi cadaalad-darro lagu samaynin, in si cadaalad ah arrintiisa loo galo, sidaasaa samayn karnaa, laakiin sii deyn malaha.”

Nabadoon Idiris Aadan Nuur ayaa qaba in Dowladda Federaalka Somalia ay siyaasadeynayso xariga Wasiir Janan, maadaama kol hore ay Maxkamadda Gobolka Banaadir beenisay eedeymihii loo haystay.

“Caqli ahaan iyo maskax ahaan anaga waxay noola muuqatay arrimo siyaasadeysan inay tahay, sababtoo ah hadda ka hor waxaan arkeynay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo kiisaska hadda lagu eedeynayo daaqadda ka tuurtay oo arrintaas beenisay.” Ayuu yiri Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Tallaabada lagu xiray Wasiir Janan ayay dad badani u arkaan mid salka ku haysa khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: