Advertisements
Wararka

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka…


Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad rayid ku dhinteen.

Raggan oo lagu kala magacaabayay Sayid Cali Aadan Nuur, Xasan Cali Barre iyo Muxudiin Maxamed Axmed ayaa lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay 26 bishii November ee sanadkii hore Xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Maxkamadda ayaa la horkeenay caddeymo kala duwan oo ku aadan gaariga qaraxa waday ay dhigeen goob suuq aheyd, waxaana qaraxa ku dhintay illaa 10 ruux oo uu ku jiray askar ka tirsan ciidanka iyo hooyadiis.

Dhageysiga Maxkamadda kaddib ayaa maanta waxay Maxkamadda dil toogasho ku xukuntay Xasan Cali Barre, halka xabsi daa’in lagu xukumay Sayid Cali Aadan Nuur.

Maxkamadda ayaa sii deysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: