Wararka

Nin dhagool ah oo dhib ku ah dhawaqa hadalka oo dhameeyey waxbarashadiisa jaamacadeed…


Maxamud Xasan oo ka soo jeeda degmada al-Khalis ee gobolka Diyala, bariga Baqdaad oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, wax ma maqlo oo dhibaato weyn ayuu ku qabaa dhawaqa hadalka, wuxuu dhameeyay waxbarashadiisa jaamacadeed ee Kuliyadda Injineeriyada, asaga oo ku kalsoonaa nafsadiisa iyo kartidiisa wax ku aqriska dhinaca bishimaha.

Kadib markii uu dhammeeyay waxbarashadiisii jaamacadeed, waxaa loo magacaabay macalin dhigga maadada xisaabta wuxuu gaaray guulo waaweyn. Halka inta badan ardadiisa ay gaareen guulo heer sare ah iyagoo keenay natiijooyin aad u sareeya ee maadada xisaabta ilaa uu ka furay machad u gaar ah oo lagu xoojiyo casharada oo sumcadiisa gaartay guud ahaan gobolka iyo inta ka baxsan, waa xaasle leh afar caruur ah wuxuuna noloshiisa u wataa si caadi ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8539 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: