Advertisements
Wararka

RW Kheyre oo kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Somalia Annet Gunter magaalada Baydhabo…


Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku timid magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo sii wadidda taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-kabashada dalka.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter, oo bogaadisay guulaha wax ku oolka ee Soomaaliya ku tilaabsaneyso, ayaa ammaantay dadaallada Ra’iisul Wasaare Khayre ee isugu jira dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug, waxa ayna ballan qaaday in dowladda Jarmalku ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku siiyaan dib-u-hana qaadka hey’adaha dowladeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: