Advertisements
Wararka

Maxkamad Ingriis ah oo Amiir Sacuudi u xukuntay lahaanshaha shirkada Sheffield United…


Amiirka Sacuudiga Abdullah bin Musaed bin Abdul Aziz Al Saud ayaa ku guuleystay dagaal sharci ah oo ku saabsanaa lahaanshaha naadiga Sheffield United oo ka tiran Premier League Ingriiska.

Ganacsade Kevin Maccabi ayaa ku doodaya lahaanshaha saamiga Amiir Abdullah inuu yahay 50%.

Laakiin maxkamada Ingiriiska ayaa xukuntay in Maccabi uu saamigiisa ka iibiyo amiirka Sacuudiga oo gaaraya 5 milyan ginni.

Maccabi, oo ah taageere Sheffield, ayaa muujiyay niyad jab wuxuuna sheegay inuu ka fiirsanayo inuu xukunka ka qaato racfaan.

Maccabi oo ku dhashay Sheffield ayaa ku maalgeliyey 100 milyan ginni naadiga Sheffield United muddo sanado ah. Wuxuu la kulmay Amiir Abdullah sanadkii 2013 isagoo raadinaya maalgashi cusub oo kooxda ah.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Amiirka Sucuudiga uu maalgaliyo 10 milyan oo ginni, laakiin labada shariik ayaa is khilaafay sanadkii 2017.

Sheffield United, oo leh qoyska Maccabi, ayey sheegeen inay la kulmeen “shirqool iyo macaamil xaaraan ah”.

Shirkada UTP, oo uu leeyahay Amiir Abdullah, ayaa dalbatay in lagu dhawaaqo xuquuqdiisa sida uu dhigayo heshiiskii maalgashi ee 2013.

Garsooraha ayaa xukumay in macaamilka shirkada UTP aysan sharci-darro aheyn isla markaana aysan khasaare u geysan shirkada Sheffield United.

Kooxda Sheffield United ayaa soo saartay bayaan ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin dhamaadka muranka maxkamadeed ee ku aadan lahaanshaha Sheffield United, taasoo u ogolaaneysa maamulka kooxda inay diiradda saaraan ciyaaraha kubada cagta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: