Advertisements
Wararka

AUN fanaankii weynaa ee reer Sudan Salaax Ibnu Baadiya oo ku geeriyooday dalka Jordan…


Allaha u naxariistee waxaa shalay geeriyooday fannaakii caanka ahaa ee reer Sudan Salaax Ibnu baadiya oo si weyn looga yaqaanay qeybo ka mid ah caalamka gaar ahaan dalal ka tirsan afrika iyo Asia.

Salaax oo ka mid ahaa fannaaniinta ugu caansan Sudan, Afrika iyo dunida Carabta, ayaa ku geeriyooday dalka Urdun, halkaas oo uu 8-dii bishan u tagay arrimo caafimaad iyo walaalkii oo ay muddo kala maqnaayeen.

Allaha u naxariistee Salaax Ibnu baadiya da’diisu waxa ay ahayd 82 jir, waxaana heesihiisa aad looga dhegeystaa Soomaaliya.

Salaax waxa uu ka mid ahaa fannaaniin reer Sudan ah oo marar badan yimid Soomaaliya bartamihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii, isagoo Soomaaliya keenay bandhig faneedyo kala duwan, taasoo keentay xiriir faneed oo xooggan oo dhex maray labada dal oo ee Soomaaliya iyo Sudan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: