Advertisements
Wararka

Toban caruur ah oo qaba Autism oo ahaa ilmaha la beeray oo hal qof shahwadiisa loo isticmaalay…


Mareykanka, Yurub iyo Canada ayaa lagu arkay dhacdo dhinaca dhaxalka iyo mid caafimaad oo aan horey loo arag kadib markii la ogaaday in toban caruur ah oo qaba cudurka Autism-ka oo ku kala fidsan seddaxda meelood oo kor ku xusan oo laga soo qaaday shahwada nin keliya iyadoo la adeegsaday caruurta lagu beero rixamka hooyada oo loo yaqaano (IVF) in Vitro fertilization, taasi oo dhalisay murankii ugu weynaa dhinaca qaanuunka ama sharciga ama dhinaca akhlaaq ahaan howlaha ilmo beerista.

Baaritaan deg deg ah oo khadka Internet-ka lagu sameeyey si loo helo macluumaadka ku deeqaha shahwada, waxaa la ogaaday in shahwada ka timid nin keliya, welina ay iibinayaan ugu yaraan afar shirkadood.

Haweenay Mareykan ah Danielle Rizzo oo leh labo caruur ah oo kala jira 7 iyo 6 sano, waxay ogaatay seddax sano ka hor in wiilasheeda ay ka mid yihii tobanka caruur ee ku dhacay cudurka Autism-ka adduunka, dhamaantoodna waxay shahwada ka heleen hal qof oo ku deeqay.

Hooyadan ayaa arrintan ka dacwootay waxaa loo sheegay in qofka deeqda bixinaya ay ka baaraan oo keliya cudurada la iska qaado ama la isu gudbiyo, hooyadan ayaa lagu qanciyey inay ka harto dacwadeeda iyadoo gacanta loo saaray 250 kun oo dollar oo ka heshay shirkadii ay ka gadatay shahwada.

Rizzo ayaa u ruqaansatay bangiga lagu keydiya shahwada markay jirtay 27 sano, kadib markii ay go’aansatay in ay uur yeelato, waxay shahwada ka heshay dhinaca Internet-ka ka hor inta aysan ogaanin in labadeeda caruur ay qabaan cudurka Autism-ka sanad kadib markay dhasheen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: