Advertisements
Wararka

Ku dhowaad 30 arday ayaa ku dhimatay Dab qabsaday dugsi Qur’aan dalka Liberia…


Dugsi lagu barto Qur’anka Kariimka ee dalka Liberia ayaa dab qabsaday waxaanna ku dhintay tiro caruur ah.

Afhayeenka booliska Moses Carter ayaa sheegay in dab uu qabsaday saqdii dhexe ee xalay dugsigan oo ku yaal deegaanka Paynesville, ee ku taal duleedka magaalada caasimada ah ee Monrovia.

Imaamka madrasada lagu barto Qur’aanka ayaa sheegay in laba arday iyo macalinooda ay ka badbaadeen Mashaqadan.

Inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa ayaa hadane waxaa socda baaritaano la xiriira Dhacdadaan.

Ku dhowaad 30 Arday ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan ka kacay dugsiga Qu’raan ee ku yaal dalka Liberia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: