Advertisements
Wararka

Mike Pompeo oo safar la xiriira weerarkii loo geystay warshadaha shidaalka u tagay Sacuudiga…


Xalay waxaa booqasho ku tagay dalka Sacuudiga Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaas oo uu safarkiisu la xiriiro arrinta weerarkii Sabtida loo geystay warshadaha saliidda Sacuudiga.

Mike Pompeo oo warbaahinta kula hadlay garoonka magaalada Riyadh ayaa mar kale ku eedeeyay Iran in ay ka dambeyso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday dalka Sacuudiga, islamarkaana lagu beegsaday warshadaha saliida ee deegaanada Buqyaq iyo Khurais.

Xukuumadda Riyadh ayaa shalay soo bandhigtay caddeymo laga soo ururriyay xaruntii shidaalka ee maalmo ka hor diyaaradaha duuliyaha aan laheyn lagu weeraray kuwaas oo geystay khasaare sababay in qeyb ka mid ah warshaddaasi hakisay kala-bar wax soo saarkii saliida.

Sarkaal Sacuudi ah oo goobta ku sugnaa, warbaahintana la hadalay oo lagu magacaabo Turki al-Malki ayaa sheegay in weerarku uu ka yimid dhanka waqooyi, islamarkaana aanay shaki ku jirin in caawimaad dhanka Iran uusan meesha ka marneyn.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay ka dambeyso xukuumadda Tehran, walow ay Iran beenisay, gaashaankana u daruurtay in ay iyadu ka dambeysay.

Trump ayaa ku amray wasaaraddiisa maaliyada in ay sii dhuujiso cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Iran.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen, waxayna ku hanjabeen in ay weerarada noocaan oo kale ah sii wadayaan haddii ay xulufada Sacuudiga ay ka joojin waayaan duullaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: