Advertisements
Wararka

M/weyne Geelle oo ka hadlay loolanka kala dhaxeeya Kenya ee xubinnimada Golaha Ammaanka…


Madaxaweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlayay Idaacada VOAda ayaa ka hadlay loolanka kala dhaxeeya dowladda Kenya ee la xiriira Kursiga Qaarradda Africa ee xubinnimada Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey

Wuxuu sheegay in dowladdaha Jabuuti iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo walaalnimo, gaar ahaan waxaa uu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya uu dhaafsiisan yahay mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu gaarsiisan yahay ilaa heer mujtamac Soomaali ah ay ku nool yihiin Kenya.

Laakiin dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti ayaa eedeyn u jeediyay Golaha Midowga Africa oo u codeeyay in kursiga Golaha Amniga Qarramada Midoobey ku matasho Kenya, waxaana uu sheegay madaxweyne Geelle in arintaasi aheyd mid qalad ah.

”Qaladka ay galleen wadamada Midowga Africa waxaan oran karaa wuxuu ahaa mid xaqa Jabuuti lagu luminayo oo la baalmarayo, waayo Kenya Labo jeer ayeey Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ku matashay Qaarradda, laakiin Annaga mar kaliya ayey aheyd, sidaa daraadeed waxaan u arkeynay cadaallad darro la sameeyay” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Wali waxaa taagan loolanka labada dowladood Jabuuti iyo Kenya ee la xiriira xubinnimada Kursiga Golaha Amaanka waxaana ay Jabuuti hadda taageero mug leh ka raadeysneysaa wadamada Carabta oo dhankooda taageero u muujinaya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: