Advertisements
Wararka

Xiddiga reer Sweden Ibrahimovic oo xal xiraale ku xirtay Pogba, Nuur Mammadov iyo Magnio…


Fiidiyoow uu soo saaray Xiddiga halyeeyga ah Zlatan Ibrahimovic, ninka ugu gool dhalinta badan ee kooxda Los Angeles Galaxy ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Muuqaalka oo 20-ilbiriqsi ahaa ayaa la daawaday in ka badan seddex milyan oo jeer shan saacadood gudaheed markii laga sii daayay Suldaanka bartiisa ee Instagram.

Fiidiyowgu ayaa wuxuu muujinayaa jilicsanaanta iyo taam ahaanshaha ciyaartoygan 38 jirka noqonaya maalmo kooban kadib. Zlatan ayaa ku soo lifaaqay fiidiyowga faallo, “The Matrix Challenge”, iyadoo la tixraacayo filimka caanka ah ee Mareykanka, kaasoo la soo saaray seddex qaybood oo qeybtii ugu horreeysay wuxuu ahaa 31-kii Maarso, 1999 wuxuuna sameeyay macaash boqolaal milyan oo doolar ah. Wuxuu ku guuleystay dhowr abaalmarino oo caalami ah.

Zlatan wuxuu xal xiraale ku xirtay xiddiga reer France Paul Pogba, dagaal yahanka reer Russia Habib Nur Mammadov iyo wakiilkiisa reer Talyaani Magnio Raiola inay ku celiyaan wixii uu ka sameeyay filimka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: