Advertisements
Wararka

Cadaadiska lagu hayo Trump oo sii kordhaya kadib markii Pompeo la weydiistay dukumintiyo…


Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa qaaday cadaadis si ay u go’doomiyaan Madaxweyne Donald Trump, iyagoo ka codsaday Xoghayaha Arimaha Dibadda Mike Pompeo inuu ku wareejiyo dukumiintiyada khaaska ah ee xiriirka Washington iyo Ukraine.

Aqalka Wakiilada ayaa bilaabay inuu la xisaabtamo Trump iyada oo lagu eedeynayo ku takri fal awoodeed isaga oo cadaadis ku saaray dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelinsky si uu u baaro ninka ay xafiiltanka doorashada kala dhaxeyso ee Joe Biden.

Madaxda saddexda guddi ee aqalka ayaa waxay Pompeo ka codsadeen inuu ku wareejiyo dukumiintiyada loo baahan yahay muddo toddobaad gudihiis ah oo ku eg dhamaadka Oktoobar 4.

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in wakiilka Trump ee Ukraine, Kurt Volker, inuu is casilay.

Trump wuxuu dafiray inuu cadaadis saarey Zelinski intii lagu jiray wadahadalkoodii bishii Luulyo, markii uu Biden hogaaminayay ra’yi dhiibashada codbixinta tartamayaasha doorashada Dimuqraadiga ee doorashada 2020.

Taa bedelkeeda, Trump wuxuu leeyahay Joe Biden, oo ahaa madaxweyne kuxigeenka maamulkii Barack Obama, wuxuu Ukraine ku cadaadiyey in shaqada laga ceyriyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ukraine Viktor Shokin sanadkii 2016 si uu u ilaaliyo shirkad uu wiilkiisa Hunter Biden ka shaqeeyo.

Laakiin Trump wax caddeyn ah ma soo bandhigin.

Indha indheeyayaasha ayaa rumeysan in hanaanka ay u egtahay inuusan ka dhalan doonin ka kaxaynta Trump aqalka cad, xitaa hadii aqalka wakiiladu ay taageeraan talaabadan, maadaama Jamhuurigu uu maamulo Senate-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: