Advertisements
Wararka

R/W Sudan oo mareykanka ku booriyey in dalkiisa laga saaro diiwaanka wadamada maalgeliya…


Ra’isul wasaaraha cusub ee Sudan Cabdala Xamduuk ayaa ku booriyay dowlada Mareykanka in ay ka saarto dalkiisa diiwaanka wadamada maalgaliya kooxaha argagixisada, maadaama eedeymahan ay saameyn dhaqaalo bur bur ah iyo dhibaato ku keentay shacabka Sudan.

Xilli uu khudbad ka jeedinayay waqti danbe Jimcihii shalay shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay in Sudan uu u bilowday waji cusub tan iyo markii xilka laga tuuray bishii April madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir.

Maamulkii hore ayuu ahaa waxa maalgalin jiray kooxaha Argagixisada shacabkana wey ka hortageen, xayiraada dhaqaale ee Mareykanka waxaa la dhibtoonaya hada Shacabka Sudan ayuu hadalkiisa raaciyay Xamduuk.

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Golaha Amaanka in si la mid ah aysan ku ciqaabin shacabka Sudan khalad uu galay maamulkii hore xayiraadana laga qaado Dalkiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: