Advertisements
Wararka

Sacuudiga oo u ogolaaday dalxiisayaasha E-visa inay ka dalban karaan dhinaca Internet-ka…


Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay dalkiisa u ogolaan doona in dalxiiseyaasha dunidu tagaan, ujeedaduna waa in dhaqaalaha dalku saliidda oo keli ah aanu ku tiirsanaan.

Jimcaha ayaa boqortooyadu waxay bilaabaysaa hab u gaara oo dal ku galka loogu ogolaanayo dadka u dhashay 49 dal, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag.

Wasiirka dalxiiska, Axmed Al-Khadiib, ayaa ku tilmaamay go’aankaas “dhacdo taariikhi ah” oo dalku ku tallaabsaday.

Dal ku galka Sucuudiga berigii hore waxa la siin jiray uun xujaajta, ganacsatada iyo shaqaalaha shisheeye.

Sucuudigu waxa uu sidoo kale doonayaa inuu soo jiito maalgashi caalami ah oo dhinaca dalxiiska ah. Waxaanu qorshaynayaa in dakhliga dalxiiska haatan ka soo gala oo wadarta guud ee dakhliga dalka ka ah 3% uu gaadho 10% sannadka 2030.

“Dalxiiseyaashu way ka heli doonaan dhulkayaga, waxaanu leenahay shan goobood oo UNESCO u aqoonsatay dhaxal aadamaha ka dhexeeya. Dhaqan quruxsan iyo bilicda dhulka oo dabiici ah” ayuu yidhi Al-Khadiib.

Haweenka shisheeye ee dalxiiska ah lagu khasbi maayo in ay xidhaan cabbaayadaha madow ee jidhka wada qariya ee dumarka Sucuudigu gashadaan, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa in lebis anshax ka muuqdo ay qaataan la fari doonaa. Haweenka dalxiiska ah lagu qasbi maayo in ay maxram wataan.

“Dhaqan baanu leenahay. Waxaanu rumaysannahay in asxaabtayada iyo dadka dalkayaga soo booqdaaba ay tixgelin doonaan dhaqanka waana xaqiiq inuu yahay mid xishmada dadka fara arintaasina way iska caddahay.” Ayuu mar kale yidhi Al-Khadiib.

WaxyaabahaQadiimkaah.jpeg

Dadka aan Muslinka ahayn loo ogolaan maayo in ay tagaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, khamiriguna sidiisuu mamnuuc u ahaanayaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: