Advertisements
Wararka

Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo duqeyn ku dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan al-Shabaab…


Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee xalay duqeyn ku dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Duqeyntan ayey ciidamadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ka dib markii ay ciidamada Xoogga dalka ay ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen dagaalyahano Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle .

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in duqeyntan lagu qaarijiyey saraakiil iyo dagaalyahano ka badan 20 kuwaasoo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxa Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil (Xasan Jiirow).

“Horjooge Xasan Jiiroow oo ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowlada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: