Advertisements
Wararka

Dab xoog leh oo qabsaday xarunta Tareenka ee Xarameyn ee magaalada Jeddah ee Sacuudiga…


Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in dab xoog leh uu qabsaday xarun Tareen oo ku taalla magaalada Jeddah, iyadoo weli ay la tacaalayaan kooxaha Dab-damiska.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Dabka uu qabsaday xarunta Tareenka Xarameyn ee magaalada Jeddah, gaar ahaan Xaafadda Suleimaniyah.

Muuqaallo laga helay dabka ayaa muujinaya inuu yahay mid aad u xoog badan iyadoo ay hawada isku shareertay uurada iyo holaca ka baxaya dabkaas oo illaa hadda aan la ogeyn sababta dhalisay.

Dabka qabsaday xarunta tareenka Xarameyn ee magaalada Jeddah ayaa la sheegay inuusan wax qasaare nafeed ah geysan, marka laga reebo burbur ku dhacay qeybo ka mid ah xaruntaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: