Advertisements
Wararka

Kumanaan ruux oo Faransiis ah oo isu soo bax ka dhigay magaalada Paris ee dalka…


Kumanaan Ruux oo Banaanbaxayaasha jaakada jaalaha ayaa todobaadkii 46-aad oo xiriir ah shalay isu soobax ka dhigay magaalada caasimada ah ee Paris ee dalka Faransiiska.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa dibadbaxayaasha waxay wateen calamo iyo qoraalo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin siyaasada madaxweyne Emmanuel Macron.

Saraakiisha booliska ayaa loo daabulay wadooyinka waaweyn ee caasimada Paris iyadoo dibadbaxa sshalay uu u socday si Degan.

Tan iyo markii uu bilowday banaanbaxa jaakadaha Jaalaha bishii November ee sanadkii hore ayaa marba marka ka danbeysa waxaa ku soo biirayay kumanaan ruux oo u dhashay Faransiiska.

Shacabka dalkaasi ayaa aad uga carooday canshuurta dheeriga ah oo dowlada saartay qiimaha shidaalka taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha Dadweynaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: