Advertisements
Wararka

Xuutiyiinta oo sheegay howlgal muddo bilooyin socday ay nolosha ku qabteen askar Sacuudi ah…


Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in weeraro ay ku qaadeen gobolka Najran ee dhaca koonfur-galbeed ee dalka Sacuudiga ay nolosha ku qabteen kumanaan askari oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Sacuudiga howlgal socday muddo bilooyin ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Sabtidii kooxda Xuutiyiinta ayaa dhanka kale lagu sheegay in sadax korneyl oo ka tirsan milatariga Sacuudiga lagu dilay weerarka kaasi oo socday mudo Badan.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye Sareec ayaa ku dhawaaqay in Xuutiyiinta ay meel qarsoodi ah ku hayaan ciidanka ay soo qafaasheen iyo boqolaal gaari oo kuwa Dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaan Drone-ka oo ay mudooyinkii la soo dhaafay xuutiyiinta u adeegsanayeen weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga.

Afhayeenka dagaalyahanada Yemen ayaa dhanka kale tilmaamay in Xuutiyiinta ay u fududahay in weeraro ay ka geestaan dalka Sacuudiga, inta Xukuumada Riyadh ay wado duulaanka ka dhanka ah shacabka Yemen.

Marka laga soo tago sheegashada Xuutiyiinta ayaa ilaa iyo hada waxaa jirin jawaab ka soo baxday dowlada Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: