Advertisements
Wararka

Qarax xoogan oo lala eegtay kolonyo gaadiid oo marayay agagaarka Kuliyada Jaalle Siyaad…


Waxaa goor-dhaw qarax aad u xoogan oo jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Goojoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo halkaasi marayay, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala eegtay gaadiidka Ciidamo Talyaani ah oo wadada marayay .

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo aagaasi xiray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: