Advertisements
Wararka

Soomaalida iyo Canfarta oo Dagaal ku dhex maray deegaan hoos taga gobolka Siti ee Ismaamulka…


Dagaalkan ayaa Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya waxaa ku dhaxmaray deegaanka Alaale oo hoostaga Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida,waxaana lagu dilay dad u badan Soomaali oo qeyb ka ahaa dagaalkaas.

Barkhad Diiriye oo ka mid ah dadka deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay BBC-da in dagaalkaas lagu dilay 14 Ruux oo Soomaaki ah 7 kalena lagu dhaawacay, isla markaana ay la wareegeen tuulada Alaale inteeda badan oo ay deganaayeen dad Xoolo Dhaqato ah.

Wuxuu ku eedeeyay Dadka Canfarta in ay mar walba dadka xoolo dhaqatada ah ku hayaan weerarro joogto ah, isla markaana ay doonayaan dhul balaarsi, hayeeshee dadka deegaanka ayaa inta badan iska difaaca, sidoo kalena laga cabsi qabo in markale uu dagaal dhaco.

Ismaamulka Soomaalida ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen Gurmadkii looga baahnaa, waxaana uu ka dalbaday inay taageero dhinaca Caafimaadka ah ay soo gaarsiiyaan si looga baaqado in dadka qaarkood ay dhaawacyada u dhintaan.

Dagaalka ka dhax bilaawday Soomaalida iyo Canfarta ayaa imanaya xili horay sidan oo kale dagaalo xoogan ay u dhex-maraan Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Itoobiya, balse markii danbe la sheegay in labada dhinac ka heshiiyeen colaadii dhaxtaalay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: