Advertisements
Wararka

Weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab sheegtay inay ku qaadeen saldhigga Balli-doogle…


Al-Shabaab ayaa sheegay in weerar ku bilowday qaraxyo xooggan ay goor dhow ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ee duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, Ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM.

Sida wararku sheegayaan qaraxyo waa weyn oo ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa laga maqlay dhanka Balli-doogle, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka Wanlaweyn.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in weerar culus ay ku qaadeen Saldhigga, ayna dagaalyahanadooda la wareegeen qeyb ka mid ah Garoonka Balli-doogle.

Garoonka Balli-doogle ayaa ah saldhig Milateri oo ay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan saldhigga ka kaca diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: