Advertisements
Wararka

Wiil uu dhalay M/weyne African ah oo gawaarida dunida ugu qaalisan xaraash ahaan loogu soo…

A picture taken on June 25, 2013 shows Teodorin Nguema Obiang (R), the son of Equatorial Guinea's president Teodoro Obiang and the country's vice-president in charge of security and defence, arriving at Malabo's Cathdral to celebrate his 41st birthday. AFP PHOTO / JEROME LEROY (Photo by JEROME LEROY / AFP)

25 ka mid ah gawaarida dunida ugu qaalisan islamarkaana uu leeyahay wiil uu dhalay madaxweynaha dalka yar ee Afrika ku yaal ee Equatorial Guinea ayaa xaraash ahaan waxaa loogu soo bandhigay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Gawaarida lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa gawaarida dunida ugu qaalisan ee kala ah Ferrari, Lamborghini, Bentley iyo Bugatti Veyron, intooda badana waa la iibsaday.

Gawaarida qaaliga

Ninka gawaaridan iska leh oo lagu magacaabo Teodorin Obiang Nguema (51-jir) ayaa waxaa dhalay madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Obiang Nguema, kaas oo xukunka dalkaasi ku qabsaday afgambi sannadki 1979-kii.

Gawaarida Qaaligaah.jpeg

Dadka dalkaasi ayaa la tacaalaya nolol-maalmeedka caadiga ah xilli wiilka madaxweynaha uu qaaradda Yurub uu ku tumanayo lacagaha canshuuraha ee shacabka dalkaasi laga qaado.

GawaaridaQaaligaah

Ninkan gawaaridiisa la xaraashay ayaa sidoo kale waxa uu saaxiib la yahay gabar danish ah oo qaaday koobka qururxda dalka Denmark.

Shabakada Wararka
Hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: