Advertisements
Wararka

Xaaf oo soo rogaal celiyey oo kala soo noqday wakaaladii uu horey u siiyey Wasaarada Arrimaha…


Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July uu u dhiibtay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, si ay u daadihiso geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay muddo 3 bilood natiijo la taaban karo ka sameyn weyday doorashooyinka.

Xaaf ayaa caddeeyay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Iyo waxgaradka Galmudug inay dhistaan Galmudug loo dhan yahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: