Advertisements
Wararka

Xisbiga muxaafidka ee Austria oo guul ka soo hoyey doorashadii Baarlamaaniga ee dhacday…


Xisbiga muxaafidka ee dalka Austria ayaa guul ka soo hooyay doorashada Baarlamaaniga ee dhacday Axadii.

Hogaamiyaha xisbigan Sebastian Kurz ayaa markale xilka dib ugu soo laabanaya balse wuxuu u baahnaan doonaa xisbiyada kale si loo soo dhiso xukuumad wadaag Ah.

Xisbiga dadweynaha ayaa helay 37.1%, natiijadaasi ayaa 5.7% ka badan natiijadii 2017, halka xisbiga Social Democrats uu la yimid 22.6% xisbiga midigta fog ee Freedom isna helay 16.7%, sidoo kale xisbiga cagaarka ayaa gaaray guul fiican.

Doorashada baarlamaaniga ee maanta ka dhacay dalka Austria ayaa timid kadib markii ay burburtay bishii May dowladii wadaaga aheyd, kadib musuq maasuuq lagu eedeeyay xukuumada Vienna.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: