Advertisements
Wararka

M/weynaha Iran oo walaalkiisa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah asaga oo lagu eedeeyey…


Maxkamad ku taal dalka Iiraan ayaa ku xukuntay Madaxweyne Xasan Ruuxaani walaalkiisa Xussein Faridoun shan sano oo xabsi ah, wakaalada wararka ee Fars ayaa soo xigatay af hayeen u hadlay garsoorka.

Xukunka xabsiga Xuseen Faridoun ayaa la riday bishii May kadib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq, iyadoo waqtigaasi aan la cadeyn mudada xukunkiisa.

Laakiin taageerayaasha Faridoun, oo la shaqeeya walaalkiis, madaxweynaha, ayaa sheegaya in kiisku yahay “mid siyaasadeed.”

Afhayeenka garsoorka, Ghulam Hussein Ismaili, wuxuu sheegay in Faridoun uu wajihi karo eedeymo dheeri ah oo kiisaska kale ah, isagoon bixin faahfaahin kusaabsan arintaas.

Dhinaca kale, af hayeen u hadlay garsoorka ayaa ku dhawaaqay in la soo saaray xukun dil oo lagu riday hal qof oo la sheegay inuu u basaasayey Mareykanka, iyo labo kale oo lagu xukumay min 10 sano isla eedeeyntaasi.

Nin afraad ayaa sidoo kale lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii uu u basaasayay Britain.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: