Advertisements
Wararka

Rag lagu eedeeyey in ay aas aasayeen Nazi-ga cusub oo ka soo hor muuqday Maxkamad…


Maxkamad ku taal Jarmalka ayaa waxaa ka soo muuqday rag lagu eedeeyay in ay aas aasayeen Nazi-ga cusub si ay ugu adeegsadaan olole ka dhan ah qaxootiga iyo muwaadiniinta Ajnabiga.

Raggaan ayaa da’doodu u dhaxeysay 21 ilaa 32 sano jir waxay ka soo muuqdeen maxkamada fedaraalka magaalada Dresden, ee caasimada u ah gobolka Saxony.

Dacwad soo oogaha ayaa ku eedeeyay in shaqsiyaadkan ay ka tirsan yihiin kooxda kacaanka Chemnitz, iyagoo ku howlanaa weeraro hubeysan oo dhiig ku Daato.

Peter Frank oo ah dacwad soo oogaha guud ee Jarmalka ayaa ku eedeeyay in raggaan ay ka ag dhow yihiin xisbiyada midigta ee diidan soo Galootiga.

Saraakiisha amniga ayaa aaminsan in eedeysanayaashan ay ku howlanaayeen weeraro hubeysan bishii october ee sanadkii hore intii lagu guda jiray maalinta midnimada Jarmalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: