Advertisements
Wararka

James Swan oo ku baaqay in la dhameeyo khilaafka ka dhaxeeya dowlada iyo Jubbaland…


Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

James Swan ayaa ka sheegay shirka caalamiga in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay, isla markaana loo diyaar garoobo wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.

“Waxaa loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka ka dhexeeya dowlada Federalka iyo maamulka Jubbaland, lagana gudbo su’aalaha ka dhashay awood qeybsiga.”ayuu yiri Danjire Swan.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galin Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada Muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: