Advertisements
Wararka

Nabadoon caan ah oo dhaliila Maamulka Jubbaland oo lagu xiray magaalada Kismaayo…


Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa hoygiisa magaalada Kismaayo kala baxay Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Cabdi Colow.

Nabadoonka oo heysta dhalashada dalka Canada ayaa la sheegay inuu habeenkii labaad ku baryay Saldhig ku yaalla Magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Nabadoonka uu ka mid yahay golaha isbeddel-doonka Jubbaland ee diidan hogaanka Axmed Madoobe.

“Nabadoon Cabdi Colow oo kamid ah Nabadoonada Jubbaland ee u ololeeya isbedelka sida xoogana u dhaliila Maamulkii hore ee Jubbaland ayaa si sharci daro ah loogu xiray Kismaayo, Qoraal ashtako ayaan gaarsiinay xafiiska Xuquuqul insaanka ee UN-ka, Taliska Booliska Jubbaland, Dowlada Federaalka iyo Dhamaan hey’adaha ay khuseyso ayuu yiri” Xildhibaan Xidig.

Laamaha amniga Jubbaland ayaan ka hadlin xariga nabadoonkan, iyadoo horay loogu eedeeyay Madaxda Jubbaland xariga dadka ka soo horjeeda siyaasadooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: