Advertisements
Wararka

Askariyad Mareykan aheyd oo horey u dishay nin madow ah oo lagu xukumay 10 sano xabsi…


Maxkamad ku taal magaalada Dallas, gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa xabsi 10 sano ah ku xukuntay haweeney askariyad horay u aheyd taas oo lagu magacaabo Amber Guyger (31-jir) islamarkaana gurigiisa ku dhex dishay nin madow ah.

Haweeneydan oo daris la aheyd ninka ay dishay ayaa ku khaldantay gurigiisa oo ay u qaadatay in ninkani uu yahay tuug gurigeeda ku dhex jira.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Dallas, Texas ee dalka Mareykanka dhammaadkii sannadka 2018 ayaa hadalhayn badan dhalisay, waxaana loo fasiray in haweeneydan ay cunsurinimo u dishay ninkan madow oo lagu magacaabayey Botham Jean islamarkaana jiray da’da 26.

Maxakamad lasoo taagay ayay ka sheegtay in ay aad uga xuntahay dhacdadan, eyna ka jeclaan laheyd in iyada la dilo.

”Waxaan jeclaan lahaa in aan aniga noqdo ruuxa la dilay. Waligay kuma fekerin in aan gooyo naf ruux aan dambi laheyn, arintanna wax shaqo ah kuma lahan naceyb ama cunsuriyad. Waxaan ahaa qof cabsanayay, habeenkaas” , ayay tiri askariyadda oo oyneysa.

Habeenkii ay dilka geysaneysay ayaa la sheegay in ay kasoo baxday shaqo boolisnimo oo ay 13 saacadood ku jirtay.

Waxa ay maxkamadda ka sheegtay in labada guri ay isku egyihiin islamarkaana markii ay furaha galisay albaabka, uuba iska furmay maadaama uusan si wanaagsan u xirneyn, waxaana ay markaasi u qaadatay in gurigeeda tuug jabsaday, sidaasna ay bastoolada kula soo baxday una toogatay Botham.

Dhanka kale wiil la dhashay ninka la dilay ayaa ka codasay in uu hab siiyo haweeneyda la xukumay, una caddeeyo in uu isaga shakhsi ahaan uu iska cafiyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: