Advertisements
Wararka

Kooxda Macawisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen al-Shabaab deegaanka Ceel Cali ee…


Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawisley ayaa saaka waabarigii hore weerar ku qaaday Al-Shabaab ku sugnaa deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayaan kooxda Macawisley ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday Gobolka Hiiraan, waxaana durba kooxdan bilaabeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ak dhan ah Al-Shabaab.

Horjoogaha Kooxda Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in weerarkii saakay ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kaga dileen illaa shan ruux, halka ay Hub kala ku qabsadeen.

Waxaa uu sheegay in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay ku qabsadeen, kaasoo uu saarnaa qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.

Ma jirto war ka soo yeeray Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saaka weerarka ku qaaday deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda loo yaqaano Macawiisley ayaa ah dad is abaabulay oo reer miyi, kuwaasoo sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay kala kulmaan Al-Shabaab, sida in si xoog ah looga qaado Xoolaha ay dhaqdaan oo ay Al-Shabaab uga qaadaan qaabka loo yaqaano Zakawaatka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: