Advertisements
Wararka

Danjiraha Somalia u fadhin doona Sudan oo nuqul ka mid ah warqadiisa aqoonsiga ka…


Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan gaaray Caasimadda Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadiisa Aqoonsiga waxaa ka guddoontay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Suudaan Asma Cabdalla.

Safiir Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiir Asma Cabdalla ka hor inta aysan ka gudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh isagoo cadeeyay in Dowladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaasoo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad waxuuna intaa ku daray in ka Safiir ahaan balan-qaadayo sidii kor loo qaadi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed Labada Dal ee Walaalaha ah ka dhaxeeya

Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka gudoontay Nuqul ka mid ah Warqadiisa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim una mahad celisay sheegtayna in ay u rajeysay inuu ka shaqeeyo xiriir wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah.

Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Gudoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee dalka Sudan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: