Advertisements
Wararka

M/weyne Geelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Reps. Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka…


Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Reps. Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo Jabuuti booqaneysa.

Geelle iyo Ilhan ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Maraykanka iyo Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Geelle uu ugu hambalyeeyey Ilhan horumarka ay ka gaartay siyaasada Maraykanka.

Ilhan Jabuuti.jpg

Ilhan Omar oo booqasho gaaban ku joogta dalka Jabuuti ayaa sidoo kale ka qeyb gashay xaflad soo dhoweyn ah oo xalay magaalada Jabuuti ay ugu sameeyeen haweenka dalkaasi, waxaana Ilhan oo hadal ka jeedisay munaasabadaas ay haweenka Jabuuti ku amaantay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan siyaasada iyo maamulka dalkooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: