Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo bixisay lacag dhan $317 kun oo dib loogu dhisayo Buundada Baardheere…


Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo hadba inta ay la egtahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo bed-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: