Advertisements
Wararka

Nin Ruush ah oo dacwad ka gudbiyey Shirkada Apple oo sheegay inay ku riixday inuu…


Muwaadin u dhashay dalka Ruushka ayaa dacwad ka dhan ah shirkada Apple gudbiyey, isagoo ku andacoonaya in App-ka iPhone-ka uu ku riixay inuu khaniis noqdo.

Wuxuu sheegay inay taasi ku dhacday si lama filaan ah markii uu isticmaalay GayCoin crypto-currency.

Ninku wuxuu dalbaday 1 milyan oo rubles (12,000 oo pound) magdhow ah, sida ay sheegayso dacwadda oo aragtay wakaaladda wararka ee AFP.

Khaniisnimada Ruushka sharci darro kama aha tan iyo 1993, laakiin nacaybka loo qabo khaniisiinta waa mid baahsan.

Sannadkii 2013, Ruushku wuxuu dejiyey sharci mamnuucaya daabicidda waxa loogu yeero dacaayada dadka noocaasi ah.

Waxaa ka mid ah ka hortagga kor u qaadida qaab nololeedka aan caadiga ahayn ee dhalinyarada, laakiin sida caadiga ah sharcigani wuxuu mamnuucayaa waxqabadka LGBT, iyadoo tiro ka mid ah dadka u ololeeya dadkaasi la weeraray oo xitaa la dilay.

Marka maxaa jira?
Dacwadda ayaa bilaabatay 20kii September ee la soo dhaafay, oo ninka ayaa ku andacoonaya in dukaanka iPhone-ka uu u diray App la yiraahdo GayCoin halkii uu ugu diri lahaa App-ka Bitcoin.

Cryptocoin waa lacag qaali ah, waxaa ka mid ah Bitcoin iyo Gaycoin.

Wuxuu helay App-ka GayCoin Cryptocurrency oo leh qoraal sheegaya: “Ha xukumin ka hor intaadan isku dayin.”

Dacwaddu waxay sheegaysaa in xusuusinta ay ku kalliftay inuu ka fikiro, “Sideen wax u xukumi karaa aniga oo aan isku dayin? Waxaan goostay inaan isku dayo inaan tijaabiyo xiriirka dadkaasi, hadda waxaan leeyahay saaxiib aan aad isu jecel nahay, mana garanayo sidii aan ugu sharaxi lahaa waalidkey.

“Noloshu waxay isu beddeshay mid xun, mana noqon doonto mid caadi ah markale.”

Ninka ayaa ku andacooday “Apple waxay igu riixday khaniisnimo iyada oo loo marayo khiyaano.”

“Isbedelku wuxuu ii horseeday dhibaato xagga maskaxda ah,” ayuu yiri.

Qareenkiisa wuxuu sheegay in shirkaddu “ay mas’uul ka tahay barnaamijyadeeda”, in kasta oo ay sheeganeyso inuu u weecday App-ab dhinac saddexaad ah.

Maxkamaddu waxay dhageysan doontaa kiiska 17-ka Oktoobar, sida lagu sheegay macluumaadka boggeeda internetka.

Apple kama aysan jawaabin codsi ka yimid barnaamijka Newsbit ee BBc-da.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: