Advertisements
Wararka

Wafdigii ugu horeeyey oo ka qeyb galaya caleema saarka Axmed Madoobe oo gaaray Kismaayo…


Magaalada Kismaayo waxaa goor dhaw tagay wafdigii ugu horeeyay oo lagu wado in ay ka qeyb-galaan munaasabada Caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Xubnaha maanta tagay magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed oo horey u soo noqday madaxweynihii maamul gobolleedka Galmudug,

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ku dhawaad 30 xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeennada maamulka Jubbaland,

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu danbeeyayba xudun u aheyd khilaaf siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda oo dhinac walba u arko sharci ahaanshaha dib u doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladdu u aragto dariiqa loo maray doorashadiisa mid aan sharci ku fadhiyin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: