Advertisements
Wararka

Somalia oo dacwad ka gudbisay Kenya iyadoo ku xadgudubtay sharciga duulista hawada…


Dowladda Soomaaliya ayaa caawa QM u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, iyadoo ku eedeyneysa iney ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda.

Arintan ayaa timid kaddib markii shalay dayuurad ka soo duushay magaalada Nairobi oo siday xildhibaano iyo mas’uuliyiin Soomaali ah ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo taasoo jebisay xanibaad dowlada federaalku horey ugu soo rogtay Magaaladaas.

Soomaaliya ayaa dacwadan geysay waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulista Hawadda ee ICAO sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia.

Dayuuradan ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaado beri wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo lagu wado inay ka qeyb galaan Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuraddan ay adeegsatey shatiga shirkada dayuuradaha Jubba Airways, gaar ahaan waxa loo yaqaanno Shahaadada Howlgalka Hawada (Air Operating Certificate ama AOC).

Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee Kenyan Civil Aviation Authority (KCAA) ayaa la sheegay inay dayuuraddan u jartay Notice to airmen (NOTAM) oo ah u fasixidda dayuuradda ee hawada ama ka joojinteeda, iyadoo aan la xiriirin dhiggeeda Somalia ee SCAA, taasoo meel ka dhac ku ah madax bannaanida Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7575 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: